Qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare oo ka socota Muqdisho

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 281 views

Waxaa socda diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashada guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka gala xerada Afisyoone halkaas oo la filayo in lagu doorto guddoomiyaha golaha Aqlka sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka ayaa horay u shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu tahay 26 April 2022 la qabanayo doorashada guddoomiyaha Aqalka sare, halka 27-ka oo ah berrina lagu wado in la doorto guddoonka golaha shacabka ee BFS

Like it? Share it!

Leave A Response