Qaramada Midoobay: “Dad badan ayaa dhib wayn u maraya helitaanka Biyo Nadiif ah”.

by admin | Friday, Mar 22, 2024 | 42 views

Warbixin kooban oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Maalinta loo gaarka yeelay ee Biyaha Adduunka oo sanad weliba la maamuuso 22ka Maarso waxaana ay sanadkaan kusoo beegantay iyada oo biyo la’aan ka jirto Dalal badan oo Caalamka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Biyaha ay la heer yihiin Amniga iyo kala dambaynta loona baahan yahay in ahmiyad wayn la siiyo sidii Dadka dhibaatada xooggan u maraya helitaanka Biyo Nadiif ah ay si fudud u heli lahaayeen biyaha.

Waxaa hoos u sii dhacaya heerka helitaanka Biyaha guud ahaan Caalamka waxaana si gaar ah looga digayaa Dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee aanay awoodin in Dowladahoodu kharash badan geliyaan si ay usoo afjaraan dhibaatooyinkaas halista nafeed sababi kara.

Soomaaliya waddamo ay kamid tahay waxaa sanadihii lasoo dhaafay isku dhinac dhaafay Abaar dhulka laga waayay biyihii ay cabi lahaayeen Dadka iyo Duunyada kale halka ay xigeen daadad biyo badan oo ka dhashay Roob is daba-joog ah.

Qaar kamid ah khubarrada dhinaca xakamaynta dhibaatooyinka ka dhasha biyo la’aanta ayaa ka digay in arrintaan ay muujinayso isku xirnaan la’aanta iyo wadajirka waddamada caalamka oo aad u hoosayso keliyana xalka uu yahay in gacmaha la is qabsado.

Dadka sanadkaan biyo la’aanta darran haysato waxaa kamid ah Shacabka ku go’donsan Magaalooyinka Falastiin kuwaas oo qaarkood billaabay in ay u dhintaan Haraad iyo Gaajo ay sababteeda leedahay Israaiil oo xayiraad culus dulsaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response