Qarax caawa ka dhacay Buuhoodle

by admin | Wednesday, Aug 1, 2018 | 916 views

magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer waxa caawa fiidkii halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay, kaasi oo si weyn looga maqlay magaaladaasi.

Qaraxan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo halkaasi lagu qarxiyay, halka warar kalena ay sheegayaan in qaraxan uu fuliyay ruux miineysnaa.

Khasaaraha horudhaca ah ee qaraxan ayaa waxa ay ku waramayaan inay ku dhinteen ilaa Saddex qof oo ay ka mid yihiin Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Madaxweyne ku-xigeenka Khaatuma Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo la hadlay warbaahinta   waxa uu sheegay goobta uu qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn Masjidka Jaamaca ee Buuhoodle, islamarkaana khasaaraha qaraxan uu gaarsisan yahay ilaa Saddex qof oo dhimasho ah, dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah meel aad u mashquul badan ayaa waxaa gaaray ciidan aad u hubeysan, kuwaasi oo dadka u diidaya inay halkaasi u soo dhawaadaan, waxayna wadaan hawlgal amni xaqiijin ah.

Gacan ku heynta magaalada Buuhoodle waxaa isku bed bedela maamulada Khaatuma iyo Somaliland, iyada oo ilaa hadda aanay jirin cid si sax ah gacanta ugu heysa.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response