Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay magaalada  Muqdisho

by admin | Tuesday, Aug 14, 2018 | 892 views

Wararka naga soo gaaraya Nawaaxiga SOS gaar ahaan Shaleemo Cabdiwaayeel ayaa waxa ay sheegayaan in Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Mooto ay saarnaayeen Qarax Miino halkaasi lagula eegtay.

Sidda  uu u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Darawalkii Mootadda Waday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Askariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Culus, waxaana halkaasi ka qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo.

Like it? Share it!

Leave A Response