Magaalo laga cabsi qabo iney dhawaan biyuhu qarqiyaan

by admin | Tuesday, Aug 14, 2018 | 876 views

Magaalada Jakarta waxaa ku nool dad ka badan 10 milyan oo qof waxayna magaalada halis ugu jirtaa in mustqbalka dhaw ay biyuhu qarqiyaan.

Khubaro daraasad ku sameeysay dhibaatooyinka biyaha ku sii fidaya magaalada ayaa waxay sheegeen haddii aan tallaabba degdeg ah oo xal looga raadinayo dhibaatada taagan ay dhici karto magaaladu soddon sana kaddib gebigeedba biyuhu ka kor marayaan.

Waxayna khubaradu intaa ku darayaan magaalada oo ku taallo dhul aad u jilicsan oo biyaha u nugul iyada oo ay magaalada Jakarta gudaheeda maraan 12 wabi.

Heri Indiriyaas oo ah Khabiir oo ka tirsan machadka teknooloojiyadda ee Bandhug oo muddo 20 sana ahna baaritaan ku sameeynayey biyaha halista ku hayo magaalada Jakarta, ayaa wuxuu ka digay “inaan la dhayalsan karin halista ay khubaradu sheegayaan ee ah iney magaalada halis ugu jirto iney biyuhu gebigeedba qariyaan”.

Waqooyiga magaalada Jakarta oo keli ah muddo toban sana ah waxay biyuhu qariyeen dhul jooggiisu gaarayo laba miitir iyo bar (2.5 meter).

Qayba ka mid ah magaaladana waxaa sanadkiba aasmaya dhul jooggiisu gaarayo 25 sentimitir. Arrintan marka la barbar dhigo magaalooyinka iyada la midka ah ee ku yaallo hareeraha badaha ama ay maraan wabiya badan laba jibbaar waxay halisteedu badan tahay magaalada Jakarta.

Jakarta sanadkiba waxay biyuhu ka kormaraan celcelis ahaan 1 mitir ilaa iyo 25 sentimitir wakhti xaadirkanna kala badh magaalada waa ay soo gaadheen biyahaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response