Qarax lagu burburiyay Bakhaar hub farabadan uu ku jiray

by admin | Wednesday, Sep 23, 2020 | 414 views

Qarax xooggan oo ka dhacay koonfurta Lubnaan ayaa burburiyay bakhaarkii hubka ee ururka Xisbullaahi, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga.

Qiiq uuro madow ayaa qabsaday deegaanka Ain Qana oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaas oo ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Shiicada ah.

Waxaana goobta gaaray gawaarida gurmadka deg deg ah, warar aanan la xaqiijin ayaa sheegayaa in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhashay cilad farsamo oo taagneyd, sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Inkasta oo warbaahinta dowladda ay sheegtay ‘in qarax uu kusoo aaday xilli hawada ay marayeen diyaarado ay leedahay Israa’iil’

Militariga Israa’iil kama aysan hadlin dhacdadan.

Militariga Lubnaan waxay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay deegaanka Ain Qana.

“Durbadiiba, ciidamada waxay gaareen goobta, waxayna bilaabeen baaritaan ku aadan waxa dhaliyay qaraxa”

Like it? Share it!

Leave A Response