Qarax Sarkaal uu ku dhintay oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 25, 2021 | 314 views

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay laamiga Cusub ee degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ku dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka oo Magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis ayaa ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxaana Gaari saruf ah oo uu watay ay miinada nooca soo boodada ah ku qabsatay laamiga Cusub ee degmada Deeyniile gaar ahaan agagaarka Ceelka Ifis.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaalada Sarkaalka, waxaana goobta tegay oo meydka iyo dhaawacyadaba qaaday Ciidamo ka tirsan Millateriga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka uu qaraxa ka dhacay.

Laamaha Amniga & Maamulka degmada Deeyniile weli kama hadlin qaraxaas, hayeeshee maallmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada nooca soo boodada ah, kuwaas oo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response