faafaahin:Dhimasho & dhaawac ka dhashay Hoobiyeyaal ku dhacay Xaafado u dhow Xalane

by admin | Thursday, Mar 25, 2021 | 333 views

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku dhaceen Xaafadaha Obasiibka ah oo u dhow Xerada Xalane oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warameen in ilaa 4 Hoobiye ay soo dhaceen, isla markaana mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Mid kamid ah dadka Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa sheegay in uu geeriyooday Walaalkiis oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Amiin halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 Ruux oo kale.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen, waxaana dadka ku dhaawacmay la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Xeeendaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay degan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waana markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weeraro xerada Xalane inta ay muqdisho joogaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Dhowr jeer ayaa weeraro hoobiyeyaal ah waxaa lagu qaaday Garoonka diyaaradaha aadan-Cadde iyo Xerada Xalane, waxaana mas’uuliyada weerardaas sheegta Al-Shabaab, iyada oo dadka ugu badan eek u waxyeelooba ay yihiin Shacab.

Like it? Share it!

Leave A Response