Qiimo koror ku yimid maciishadda Magaalada Jowhar.

by admin | Monday, May 24, 2021 | 305 views

Magaalada Jowhar oo isu socodkeeda ay hakiyeen biyaha kasoo fatahay wabiga Shabeelle ayaa sabab u noqday in aysan gaadiid gelin muddo todobaadyo ah, waxaana qiimo koror ku yimid maciishadda oo inta yar ee Magaaladaas taalla lacag kordhin ay ku sameeyeen ganacsatada.

Guddoomiyaha Magaalada Jowhar waxa uu dalbaday in wax laga qabto saameynta taban ee laga dhaxlay fatahaadda maadaama qoysaska ka barakacay xaalado cunno la’aan ay qarka u saaran yihiin oo iyanna dhalin karta dhibaatooyin bani aadamnimo.

Qiimaha Loorka kahor fatahaadda waxaa la kala iibsanayay $22 (Labaatan iyo labo dollar) balse maanta waxaa la kala siinayaa $28 (Labaatan & Siddeed Doollar), Bariiska oo ahaa $26 (Labaatan iyo lex dollar) Loorkii waxa uu gaaray $28 (Labaatan iyo siddeed dollar), halka Sokorta / Sonkorta oo ahaa $27 (Labaatan & siddeed dollar) waxa ay gaartay $34 (Soddon & afar dollar).

Qiimo kororka ku yimid Burka, Bariiska, Sokor & Saliidda ayaa saameysay qoysaska ka barakacay Magaalada Jowhar oo u badan Beeraley dhulkooda biyo digeenka noqotay kuna khasaaray dallagii ay sugayeen in uu usoo go’o.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle oo ku sugan Muqdisho waxa uu wadaa dedaallo gurmad uu u raadinayo qoysaska naftooda kala baxsaday fatahaadda Wabiga ee haatan cunno la’aanta iyo sicir-bararka maciishaddu saameysay.

Like it? Share it!

Leave A Response