Qodobada looga hadlayo Shirka ka furmaayo Garoowe{Akhriso:-}

by admin | Tuesday, Dec 29, 2020 | 358 views

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka socda u diyaar garowga qabsoomida shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, kaas oo Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 29 Bisha December oo ka furmaya halkaas.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex Cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.
Inta badan madaxda ka qeyb-galeysa Shirka ayaa ku sugan Magalada garoowe, kuwaas oo xalay yeeshay kulamo gooni gooni ah oo horudhac u ahaa Shirka.
Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Amniga, kuwaas oo baaritaano ku sameynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan

Like it? Share it!

Leave A Response