Qoor Qoor oo soo saaray liiska Musharrixiinta Xubnaha uga haray Aqalka Sare

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 263 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Kaariye) ayaa xalay Saqdii Dhexe waxaa uu soo saaray liiska xubnaha Musharixiinta u tartami doona labada kursi ee uga harsan golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

liiska uu soo saaray Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa kujira Cabdi Qeybdiid oo horay kursiga ugu fadhiyay, balse waxaa laga reebay Madaxweynihii hore ee Galnudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo horay u sheegay in kursiga Aqalka Sare uu u sharraxan yahay & Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo kursiga labaad horay ugu fadhiyay.

Ilaa 4 Musharrax ayaa ku tartami doona labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Dowlad Goboleedka Galmudug, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada labada Kursi ee Aqalka Sare ugu dambeeya, si Galmudug ay u billaawdo doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response