Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jowhar

by admin | Thursday, Jun 3, 2021 | 280 views

Waxaa lagu wadaa Maanta in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo inay gaaraan magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Shalay waxaa magaalada Jowhar dib ugu laabtay madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay la socdeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladaha fartahaadaha ee kajira halkaas iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka weli kajira doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.
Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Habeen ka hor Madaxtooyada Soomaaliya kulan looga hadlayay xalinta tabashada ay qabaan Reer Hiiraan in uu u dhex-maray Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Ammanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ra’iisul Wasaaraha lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle sidoo kale uu booqdo Goobaha uu ka fatahay Wabiga ee Magaalada Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response