Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Muqdisho dib ugu soo laabtay{sawiro}

by admin | Tuesday, Jul 11, 2023 | 93 views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka duulista iyo Hawada Soomaaliya Fardowso Cusmaan Cigaal, Agaasimha madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, Xildhibaanno ka tirsan BFS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

May be an image of 9 people, aircraft and suit

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka qeyb galka shir dhex u dhaxeeya saamileyda siyaasadda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo looga hadli doona go’aanadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran May 27, 2023-ka.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka mid ahaa afartii Musharax ee ugu cododka badnaa doorashadii 15 May 2022, isagoo galay kaalinta afaraad, waxaana ka horreeyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Like it? Share it!

Leave A Response