Sababta xalay Ciidamada dowladda u xireen waddooyinka Muqdisho oo la ogaaday

by admin | Thursday, Dec 22, 2022 | 257 views

Waxaa xalay muddo saacado badan ahaa xirnaa qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diidayay inay maraan dadka iyo Gaadiidka noocyadooda kala duwan intaba.

Ciidamo farabadan iyo gaadiidka dagaalka ayaa xalay lagu arakayay laga bilaabo isgoyska Taleex ilaa Banaadir iyo laga bilaabo Isgoyska km4 ilaa Isgoyska Warshadda Caanaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo Gaadiidka u diidayay inay waddooyinkaas isticmaalaan, iyada oo Ciidamada ay xilli hore oo fiidkii ahaa ay xireen wadada balse saqdii dhexe ay dib u fureen.

Sababaha waddooyinka loo xiray ayaa waxaa xogta aan ku helnay inay tahay in meelo kamid ah Xerooyinka kuyaalla Muqdisho loo daabulayay Ciidamadii shalay gelinkii hore laga keenay dalka Ereteriya.

Qaar kamid ah dadka uu saameeyay xirnaanshaha waddooyinka ayaa sheegay qaarkood in xalay meelo aan aheyn guryahooda ay seexdeen kadib markii waddooyinka laga xirtay.

Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Madaxweyne Xasan sheikh inay waddooyinka iska xirato, iyada oo aan la ogeyn, waxaana madaxda dalka ay ugu baaqay in ay kusoo wargeliyaan inta aan la xirin waddooyinka.

Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu mucaaradka ahaa ku eedeyn jiray Madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka uu waddooyinka ka xirtay, balse hadda isaga tallaabaas mid lamid ah uu sameeynayo.

Like it? Share it!

Leave A Response