Safiirka Soomaaliye ee Itoobiya oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay{sawiro}

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 94 views

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle Work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoontay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Munaasabad hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Ethiopia ee Addis Ababa  ayaa lagu qaabilay Danjire Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle Work Zewde iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo wada yeeshay kulan ayaa isku afgarteen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa dhawaan loo magacaabay xilkaan, isaga oo xilkaas kala wareegay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalkaas.

 

Like it? Share it!

Leave A Response