Shirkadda Apple oo wax soo saarkeeda Telefoonada ka wareejinaysa Shiinaha

by admin | Saturday, Dec 10, 2022 | 217 views

Wargeysaka Wall Street Journal ayaa sheegay in shirkadda telefoonada soo saarta ee Apple inay dardargelinayso qorshaha ay uga guurayso dalka Shiinaha iyada oo wax-soosaarkeeda u wareejinaysa wadamo kale oo ku yaalla qaaradda Asia, sida Hindiya iyo Vietnam.

Inkasta oo ay jiraan culaysyo kala duwan oo arrintan keenay, haddana mid ka mida tallaabooyinka soo dedejiyey in shirkaddu ay ka guurto dalka Shiinaha ayay ku jiraan, siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID ee loo yaqaan ‘China Zero Covid Policy’ taas oo curyaamisay wax soo saarkii shirkadda ee dalkaas.

Siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID waxay shirkado badan oo caalami ah ku khasabtay inay ka guuraan dalka Shiinaha iyaga oo ka hor tegaya inay khalkhasho, silsiladda sahaydoodu. Inkasta oo Shiinuhu uu haatan qarka u saaran yahay inuu debciyo xannibaadaha COVID, haddana weli hubanti la’aantu way taagan tahay.

Shirkadaha waaweyn ayaa fursad u arka Hindiya inay noqon karto dal bedeli kara Shiinaha oo kula tartami kara suuqa wax soosaarka.

Like it? Share it!

Leave A Response