Somaliland oo ka hadashay shirkii uu ka baxay Safiir Tarsan

by admin | Wednesday, Jun 15, 2022 | 485 views

Somaliland ayaa sheegtay inay ka xuntahay tallaabadii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan uu uga baxay kulankii Safiirada uu ku casuumay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo diidaya ka qeyb galka Wakiilka Somaliland ee Kenya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yiri” Waxay tani si cad u muujinaysaa nacaybka iyo cadaawada fog ee ay Soomaaliya u qabto
Somaliland iyo shacabkeeda.

Somaliland waa dal madax-bannaan, dimuqraadi ah oo ku taamaaya nabad iyo xasilooni kula noolaada dalalka aan deriska nahay ee Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.

Warkaan kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya ay raali gelin ka biixsay qorshihii Calanka Somaliland loogu dhex arkay shirkii uu Safiirada ku casuumay Madaxweynaha Kenya taas oo keentay in uu ka baxo Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response