Somaliland oo u hanjabtey Odayaal ka hadley wada-hadallada DFS & Somaliland

by admin | Friday, Apr 3, 2020 | 511 views

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan Odayaal dhamaqamEed ka hadley in dib loo bilaabo wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Odayaal dhaqameed iyo dad kale oo inta badan ka gudba xeeyndaabka dhaqanka,sidoo kalena ka hadla Arrimaha Soomaaliland,hayeeshee qadiyadda soomaaliland uusan go’aan ka gaari karin Oday Dhaqameed.

Waxaa uu sheegay in cid kasta oo ka hadasha arrimaha wada-hadallada ay tallaabo ka qaadi doonaan,sidoo kale uu sheegay in dowladda Federaalka ay wado qorshooyin ay danahooda ku marsiinayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dad kale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo arrimaha Soomalailand iyo dowladda Federaalka ay tahay wada-hadal,isla markaana meel kasta oo lagu gelayo ay diyaar u yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response