Soomaaliland oo War kasoo saartay kufsi & dil ka dhacay degaanadeeda

by admin | Wednesday, Oct 14, 2020 | 379 views

11-kii Bishaan ayaa Hooyo saddex carruur ah lahayd oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi waxaa  kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee ka tirsan degaannada Soomalailand, waxaana kufsigaas war ka soo saaray soomalailand.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Soomaaliland marnaba ogolaqaneyn in kufsi iyo dil uu ka dhaco degaannadeeda, isla markaana tallaabo ay ka qaadayaan dadka ka dambeeya.

Waxaa uu sheegay wasiirka in shaqsigii ka dambeeyay falka dilka iyo kufsiga ah ee ka dhacay Magaalada burco ay cadaaladda horkeeni doonaan, waxaana uu u digay dad uu sheegay in ay doonayaan in si hoose loo xaliyo dhacdadaas.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka soomalaiya kusoo batay falalka la xiriira kufsiga iyo dilka loo geysanayo Haweenka, iyada oo weli aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo maxkamadeeyay falkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response