Soomaaliya oo ka hartay isreebreebka koobka adduunka kadib markii loogaga badiyay 3-1

by admin | Tuesday, Sep 10, 2019 | 558 views

Xulka Soomaaliya ayaa ka haray isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Zimbabwe kulankii lugta labaad ee ka dhacay magaalada Harrare taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay labada lug ku soo dhamaatay 3-2 oo ay xulka Zimbabwe ku soo baxeen.

Soomaaliya ayaa ka hartay isku aadka Koobka Adduunka iyadoo madaxooda uu sareeyo madaama ay durbaba dhigeen taariikh iyagoo guushii ugu horeysay abid ka gaaray isreebreebka Koobka Adduunka halka ay sidoo kale iska caabiyeen xulka ugu qiimeyn sareeya xulalka ka qeyb qaadanaya is araga hore ee isreebreebka ee wadamada Afrika.

Soomaaliya ayaa iska caabin xoogan muujisay, waxay soo bandhigeen kubad difaacasho adag ah, halka ay sidoo kale shabaqa ku soo taabteen Harare laakiin nasiibka ayaa saacidi waayay.

Iska caabintii ay Soomaaliya waday iyo geesinimadii difaacasho ay soo bandhigeen gaar ahaan goolahye Saciid Aweys Ali ayaa ugu danbeyn la jibiyay daqiiqadii 77aad markii Marshall Munetsi uu shabaqa u soo taabtay xulka Zimbabwe.
Laakiin xiddigaha Ocean Stars isma aysan dhiganin waxayna durbadiiba bilaabeen inay cadaadis weerar saaraan xulka martida loo ahaa. Daafaca Zimbabwe oo qalqalgalay ayaa kubad hadiyad ah siiyay xiddiga Soomaaliya Omar Abdullahi Mohamed daqiiqadii 85aad kaasoo kubad la kor tagay goolhayaha islamarkaana si fiican uga dulqaaday isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Laakiin Zimbabwe ayaa durbadiiba gool kale heshay iyagoo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo ay hogaanka ku qabteen markii uu daqiiqadii 86aad gool u saxiixay Admiral Muskwe.

Daqiiqadii 1aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay Zimbabwe heleen goolkii ay ku soo baxeen ee seddexaad, iyagoo ciyaarta ka dhigay 3-1, waxaana ay wadar ahaan labada lug ku soo badiyeen 3-2 madaama Soomaaliya ay 1-0 ku badisay lugtii koowaad ee Jabuuti ka dhacday.

Zimbabwe ayaa ka mid noqoneysa 40ka xul ee qaarada Afrika ee isagu soo haray wareega labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan 10 group oo min afar xul ka koobnaan doona.

10kaas group ayaa la doonayaan inay ka soo baxaan 10 kooxood taasoo la micno ah in group walba uu hal xul ka soo bixi doono.

10ka xul ayaa u soo gudbi doona wareega ugu danbeeya ee isreebreebka iyadoo 10ka xul la isku jabin doono iyadoo shan kulan oo minan iyo marti ah la ciyaarsiin doono.

Shanta xul ee ka soo baxda ayaa Afrika u matali doonta Koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar sannadka 2022.

Shaxda Ay Soomaaliya Ku Soo Gashay:
Xiddiga xulka Soomaaliya u dheelay oo galay taariiqda ayaa waxa ay kala ahaayeen : Said Aweys Ali, Yonis Farah, Mohamud Ali, Ahmed Said Ahmed, Abel Gigli, Ahmed Ali (Kabtan), Abdelaziz Safimayo Yusuf, Abdulsamad Ahmed, Anwar Sidali Shakunda, Omar Abdulahi,.

Keyd: Hassan Ibrahin, Eyman Mohamed, Abdiwali Abdrihman, Amin Abas, Fahad Abdisamad, Mohamed Abukar, Ibrahim Abdi, Farhan Mohamad.

Like it? Share it!

Leave A Response