Soomaaliya oo qarka u saaran inay lumiso codkeeda Qaramada Midoobay {AKHRISO}

by admin | Thursday, Jun 3, 2021 | 270 views

Dowlada Soomaaliya ayaa ka mid ah saddex dal oo la sheegay inay weyn doonaan xuquuqdooda codbixinta sababo la xiriira bixinta qaaraanka qoondadooda miisaaniyada UN-ka.

Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay bixiso lacag gaareysa $1,443,640 kahor bisha September ee sanadkan si ay ugaga badbaado in laga joojiyo codeynta.

Axdiga Qarammada Midoobay wuxuu dhigayaa in xubnaha deyntoodu ay le’eg tahay ama ka badato xaddiga tabarucaadkooda labadii sano ee ka horreysay ay lumiyeen xuquuqdooda codbixinta.

Iran iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo dhankooda lagu leeyahay qoondada miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankooda waxay lumin doonaan xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Guud ee 193-ka xubnood, sidda ku xusan warqadan oo la faafiyey Arbacadii 1-da bishan June, 2021.

Like it? Share it!

Leave A Response