Soomaaliya, Qatar, Imaaraatka, Turkiga, Ingiriiska & Mareykanka oo kawada hadlay Amniga, Siyaasadda & bani aadamnimada.

by admin | Tuesday, Jun 6, 2023 | 175 views

Wakiilo ka kala socday Dalalka Soomaaliya, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta, Turkiga, Ingiriiska iyo Mareykanka oo ku kulmay Magaalada Dooxa waxa ay kawada hadlaan taageerista Dowladda Federaalka ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda & Bani aadamnimada.

Waxa ay bogaadiyeen howlgallada ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda & Dadka deegaanka ee ka dhanka ah ‘AS’ isla markaana looga qabsaday Magaalooyin muhiim ah.

Wakiiladaan ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero dhinaca Amniga si ay fursado u helaan ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee gacanta ku dhigay deegaanno muddo dheer Shabaab maamulayay.

Dalalkaan ayaa sheegay in ay muhiim tahay taageerista Soomaaliya maadaama bisha December 2024 la qorsheynayo in ay dalka isaga baxaan balse kahor la rabo in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga Dalkooda.

Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta, Turkiga, Ingiriiska iyo Mareykanka waddan weliba waxa uu Soomaaliya ka taagan yahay door muuqda sida lagu xusay war kasoo baxay shirka ay yeesheen wakiillada ka kala socday dalalkaan.

Dowladda Qatar waxa ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan iyada oo bixisay qandaraaska lagu dhisayo labada Laami ee Muqdisho ku xira Degmooyinka Afgooye oo Shabeelaha Hoose ah & Balcad oo Shabeelaha Dhexe.

Isutagga Imaaraatka Carabta waa dalka bixiyay dhaqaalaha ku baxay ciidamada Booliiska qaabka Militariga u tababaran ee lagu wareejiyay Amniga Muqdisho waxa ay Dowladdaan ku howlan tahay tababarka ciidamo kale.

Turkiga waxa uu Soomaaliya u tababaray Ciidamada Gaarka u tababaran ee Kumaandooska GORGOR & Booliiska Haramcad, waxa uu qalabeeyay xeryaha lagu tababaro Ciidamadaan kahor inta aan qaarkood loo qaaday Turkiga si ay tababar ugu soo dhammeystaan.

Dowladda Ingiriiska waxa ay DG Koofur Galbeed u tababartaa Ciidamo katirsan daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo ku sugan Gobollada Baay iyo Bakool, macalimiin & saraakiil ka socota UK ayaa ku sugan Baydhabo.

Mareykanka waxa uu saldhig ku leeyahay dhowr magaalo oo Soomaaliya waxaana uu ku tababaraa Ciidamada gaarka ah ee DANAB, waqtiyada qaar wadajir ayay u fuliyaan howlgallo sida dhowr jeer lagu sheegay bayaan ay soo wada saareen labada Dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineysa wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ maadaama ay sheegtay in ay wajaheyso deegaannada Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland oo ‘AS’ xooggooda ku sugan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response