Spain oo markale kahor timid damaca Israel ee Dhul-ballaarsiga ah.

by admin | Tuesday, Mar 5, 2024 | 38 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares ayaa si cad uga hor yimid damaca gurracan ee Israel ay ku doonayso in ay ku dhul-ballaarsato dhulka Falastiin oo muddooyinkii u dambeeyay duqaynta xooggan ee arxan-darrada ah ku beegsanaysay.

Waxa uu sheegay in aanay marnaba ka daadegin qorshaha cusub ee Yuhuudda ay ku doonayso in Falastiiniyiinta ay ku sal-kiciso kaddibna ay deegaanno ka dhigato si ay qiil uga dhigato in ay kahortagayso dhinacyada iska caabbinta ah Falastiin.

Warkaan ayaa wadnaha ku dhuftay Xukuumadda Tel Aviv waxaana durba socda hadal-hayn badan maadaama Dowladda Spain oo kamid ah Dalalka Yurub ay si cad u diidan tahay damacaas gurracan ee Yuhuuddu ku dhul-ballaarsanayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel ayaa Dalalka kale ee Yurub ugu baaqay in ay qaataan go’aan lamid ah kan Dowladdiisa ay qaadatay si looga hortago dagaallo horleh oo kasii olola Bariga Dhexe iyo dhiig cusub oo la daadiyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa soo dhowaysay go’aanka geesinimada ku dheehan tahay ee Spain waxaana ay sheegtay Wasaaraddu in ay rajaynayaan in meel looga soo wada jaysto Yuhuudda dhinaca iska dhigtay shuruucdii Caalamka ku heshiiyay.

Waddankaan horay u galay liiska gumaystayaashii kala qub-qubay Dalal badan oo maanta madaxbannaan ayay Madaxdoodu sheegeen in ay diidan yihiin in qarnigaan dib loogu laabto waxyaabihii dunida meel iska dhigtay iyo in ay sii socdaan dagaallada aan dhammaadka lahayn.

Like it? Share it!

Leave A Response