Taliska militariga oo ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka xarunta Jaalle Siyaad

by admin | Monday, Nov 13, 2023 | 117 views
Taliska ciidanka dhulka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay toogteen qof naftii hallige ah, oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kulliyada jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kooban oo talisku uu soo saaray, ayaa lagu sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga reebo qofka ismiidaamiyaha ahaa oo ay ciidanku dileen ka hor inta uusan is qarxin.

Talisku wuxuu sheegay in ciidanku ay heegan buuxda u yihiin inay ka hortagaan dhagarta ay maleegayaan kooxda Alshabaab.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda falkaan, iyagoo sheegay inay ku dileen 7 askari.

Bishii July ee sanadkan ayay ahayd markii qof ismiidaamiye uu isku qarxiyay gudaha xarunta Jaalle Siyaad, oo ay ka socotay faylinta ciidanka guutada 14-ka October. Weerarkaas ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh.

Qofka ismiidaamiyaha ayaa la ogaaday inuu iska dhigay sarkaal ciidan, isagoo sidaasi ay ugu suurto gashay inuu gudaha u galo xarunta.

Hay’adaha amniga 14 xubnood oo uu ku jiro taliyihii xerada Jaalle Siyaaad u xirtay, sababta ay ku suurto gashay in qof qarax ku xiran yahay uu gudaha u galo xarunta Jaalle Siyaad.

Like it? Share it!

Leave A Response