Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan la qaatay ciidamada lagusoo tababaray Eritrea

by admin | Wednesday, Oct 25, 2023 | 103 views

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa booqday ciidamada tababarka ku soo qaadatay dalka Eritrea, kuwaas oo ku xaraysan Xerada Ciidanka Cirka.

Sareeye Gaas Ibraahim oo khudbad u jeediyay cutubyadan, ayaa ku amray inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in la joogo waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay ciidamadu dalka dib ugu soo laaban lahaayeen, isla markaana ay ku biiri lahaayeen gulufyada ka dhanka ah Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh,  oo dhawaan safar kooban ku tagay Eritrea ayaa maalmo ka dib waxaa dalka lagusoo celiyay cutubyo katirsan ciidamada lagusoo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamadan oo qaba tababaro heerkoodu sareeyo ayaa qeybo kamid ah ka qeyb qaatay dagaalladii Shabaab looga xoreeyay Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo dadaal ku bixinaya dagaalka Shabaab, ayaa doonaya in ciidamada Eritrea kasoo laabtay ay hormuud u noqdaan xoraynta degaanada Shabaabku gacanta ku hayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response