Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Tweetkii Imaaraadka Carabta ee lama filaanka ku noqday Israel iyo Mareykanka{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Jun 9, 2020 | 450 views

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waa hanjabayaa, boqorka Jordan boqor Cabdalaha waa cambaareynayaa, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Europe Josep Borrell waa cambaareynayaa, hase yeeshee dhammaantood cid dhageysaneysa ma lahan.

Si kastaba, diblomaasiga ay erayadiisu la xiriiraan qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed ee saameynta adag ku yeelanaya Washington iyo Israel waa diblomaasiga Imaaraadka Carabta ee Anwar Gargash.

Gargash oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa twitter-ka ku qoray uguna baaqay Israel in ay joojiso qorshaheeda.

“Wadahadallada socda ee lagu goosanayo dhulka Falastiin waa in la joojiyaa” ayuu qoray.

Ad by Valueimpression

“Talaabo kasta uu u gaar ah Israel waxay dhabar-jab ku noqon doontaa geedi-socodka nabadda, waxayna cuuryaamin doontaa go’aanka gaarista Falastiin waxayna sii wadi doontaa diidmada iyo cambaareynta caalamka,” ayuu yiri.

Muxuu qoraalka Gargash, oo ah nin aan sidaas looga aqoon meel ka baxsan Imaaraadka uu muhiim u noqday? Sababtoo ah – falcelin aan ahayn midda Maxamuud Cabbaas, Cabdallaha Jordan iyo Borrell oo arrimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub ma ahayn wax la saadaalin karay.

Safiiradda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn waxay joogeen aqalka cad markii bishii January uu Madaxweyne Trump daaha ka rogayay qorshaha nabadda bariga dhexe, kaasi oo damaanad qaadaya in Maraykanku uu qaybo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsado dhul ay u madax banaantahay Israel. Dalalkaas ma aysan cambaareyn qorshaha Mareykanka.

Xaqiiqdii, safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaaladda Washington waxaa ay website keeda ku dabacday war ay ku tilmaantay in “qorshuhu uu bar-billow muhiim ah u yahay dib usoo celinta wada xaajoodyo waafaqsan naqshadda caalamiga ah oo Maraykanku hogaaminayo.”

Safiirka Imaaraadka ee magaaladda Washington waxaa qorshaha ku tilmaamay “hindise muhiim ah oo la tacaalaya dhibaatooyinkii soo ifbaxay sanadihii lasoo dhaafay.”

Billowgii February, kulan ay lahaayeen Jaamacadda Carabta oo lagu diiday qorshaha Trump ayuu kasoo horjeestay Gargash waxaana uu ka istaagay “mowqif dhex-dhexaad ah” taasi oo aad loo cambaareeyay.

Sanadkii lasoo dhaafay Gargash cambaareyn adag ayuu kala kulmay dunida muslimka ah markii wareysii uu siiyay wargeys laga leeyahay Imaaraadka Carabta uu ku sheegay in dunida muslimka ah ay khalad xun ku ahayd in ay wadahadalka u jaraan Israel .

“Sanado badan ka hor, markii carab ay go’aansatay in aan xiriir la sameyn Israel, taasi waxay ahayd go’aan aad u khaldan, markii dib loo eego” ayuu yiri. “Sabaabtoo ah, waa in aad kala soocda oo kala saartaa arrin siyaasaded iyo in xiriirkaadu uu furnaado.”

Sidaas darteed Gargash iyo Imaaraadka Carabta midna kama soo horjeesan qorshaha Trump.

Qoraalka Gargash ee ka dhanka ah goosashada dhulka Falastiin ee Israel  waxaa uu farriin u yahay Washington iyo Israel, taasi oo loogu sheegayo in wada-shaqeynta qarsoodiga ah ee dhowaanahan u dhaxeysa Israel iyo dalalka Khaliijka uu dhaawici karo qorshaha Israel ku goosaneyso Daanta Galbeed.

Fariintaas ka timid qof loo heystay in uu taageersanyahay iskaashi lala yeesho Israel, waxay sida la filayo ay ka qeylo dheeraaneysa Jawaabaha ka yimid Maxamuud Cabbaas, Boqor Cabdalla iyo Borrell.

Qoraalka Gargash waa in sidoo kale lagu dhex arkaa inaysan dalalka suniga ah wada aqbalaynin aragtida dhul goosashadda ee Israel

Todobaadkii lasoo dhaafay, sheeko uu daabacay wargeyska Israel Hayom ee kasoo baxa Israel ayey si aad ah u sii baahiyeen warbaahinta Carbeed.

Warbixintu waxay sheegtay in ka sokoow mucaaradadda dunida muslimka ah ee qorshaha Israel, haddana ay dalalka suniga ah ee Jordan, Masar iyo Sucuudigu ay aqbalayaan islamarkaana ay Maraykanka iyo Israel kala shaqaynayaan cadaadiska ka dhanka ah Iran, waxaana arrinta Falastiin uga muhiimsan sidii looga adkaan lahaa Iran, taas darteedna ay uga tagayaan qadiyaddii Falastiin.

Like it? Share it!

Leave A Response