Ciidamada Dowlada oo Xiray Wadooyinka Baladweyne Manta

by admin | Wednesday, Jun 10, 2020 | 417 views

Ciidamo fara badan ayaa saakay la dhigay Wadooyinka waa weyn ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Ciidamadan ayaa joojiyey isku socodka gaadiidka magaalada waxaaana dadka loo on gol yahay oo kaliya socodka lugta.

Isgoosyada ku yaallla Magaalada Baladweyne ayaa saakay lagu jaray dhagaxaan, waxaana sidoo kale xiran halka loo yaqaano buunda-koobaad ee ah marin isku xirta Magaalada Baladweyne iyo deegaanka ay dadkii fatahaada ka barakacay ay dageen,

Xiritaanka wadooyinka manta Baladweyne, ayaa kusoo beegmeyso xile xalay la qorsheeynayey Banaabaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasi oo la qorsheeyey in uu manta ka dhaco Baladweyne.

Saraakiisha Ciiidamada Dowalada Soomaaliya, Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ilaa iyo hada aanan ka hadal xiritaanka wadooyinka Baladweyne oo manta ciidamada Booliska ah ay xireen lamana ogo ujeedka rasmiga ah ee lagu xiray wadooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response