Ururada Siyaasadda Puntland oo cambaareeyey shaqaaqadii Garoowe

by admin | Wednesday, May 17, 2023 | 101 views

Inta badan Ururada Siyaasadda Puntland ayaa kulan ay ku yesheen magaalada Garoowe kaga hadlay, islamarkana cambareeyay shaqaaqo ka dhacday magaalada Garoowe.

Shaqaaqada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, waxayna ka dhalatay xiisad la xiriirta in sanaadiiqda doorashada la geeyo degaanada Bariga ee Puntland.

Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Puntland, balee kala taageersan Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan doorashada loo madalsan yahay 25-ka Bishaan.

Khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka qofka iyo codka ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagan degaannada Puntland, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ay sheegeen in uu Deni kaga gol leeyahay in uu sameysto muddo kororsi.

Like it? Share it!

Leave A Response