Waa maxay United States Electoral College ?

by admin | Friday, Nov 6, 2020 | 325 views

Dalka Maraykanka ayaa wuxuu leeyahay 538 Electors(codeeye) kuwaas oo doorta Madaxweynaha Maraykanka, loona yaqaan Electoral College, Shacabkuna waxay doortaan electoral college-kaas.

Xisaabta tirada 538 Electoral College waxay ku timi sidan; Tirada Electoral College ee uu Gobol (state) kastaa leeyahay waa tirada Congress-ka aqalka hoose) iyo tirada Senetors (gobolkastaa 2 Senetor ayuu leeyahay) ee gobolkasta.

Tusaale gobolka California ee ugu dadka badan wuxuu lee yahay 55 Electoral College , waxayna tiradiisu ku timi 53 Congress iyo 2 Senetor, sidaa ayuu Gobolka California ku heley 55 Electoral College.

Hadaba 538 Eloctoral Votes waxay ku timi sidan; 435 oo ah tirada Congress-ka oo lagu daray 100 Senetor (50 ka Gobol mid kastaa wuxuu leeyahay 2 Senetor). 435 (Congress)+100 (Senators) = 535.

Tiradaas ayaa lagu darayaa Caasimada Maraykanka (Washington DC) oo leh 3 Electoral College (caasimadu ma laha congress iyo Senetors toona laakiin waxa Aqalka Congress-ka u fadhiya delegate ama ergo (Non-voting member of the United States House of Representatives).

Hadaba xisaabtu waxay noqonaysaa sidan: 435(Congress)+100 (Senators)+3 (Washington DC)  =538(Electoral College). Hadaba musharax gaadha 270 Electoral Votes ayaa noqda Madaxweynaha Maraykanka.

Ta kale ee xusida mudani waa; 48 Gobol (48 states) oo ka mida 50-ka (50 states) muasharaxa hela codadka ugu badan gobolkaas ayaa wada qaata tirada Electoral college ee uu golokaasi leeyahay (winner take all electoral college), marka laga reebo Gobolada Nebraska (5) iyo Maine (4) oo iyaga musharaxa ku guuleysta gobolkaasi qaato 3 electoral votes gobolka Nebraska, 2 electoral votes gobolka Maine “Congressional district (3 inNebraska, 2 in Maine)”, 2 da soo hadhana uu ku guulaysan karo musharaxa kale (2nd Congressional District).

Gobolada Maraykanku sidey u kala dad badan yihiin ayay u kala badan yihiin Electors Votes ay leeyihiin.

Afartii sanoba hal mar ayay codeeyaan Elecotaral College -ku waana bisha December ee ka dambeysa marka ay dhacdo doorashada Maraykanku. Bisha January ayaa la caleemo saaraa Madaxweynahii la doortey.

Sidaas ayuu Joe Biden ku noqonayaa Madaxweynaha Maraykanka ee la doortey (elected president) waayo wuxuu haystaa 270 ama ka badan iyadoo dhawaan la dhamaystiri doono tirinta codadka.

Like it? Share it!

Leave A Response