Wada hadal Muqdisho uga furmaya Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 80 views
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale ee ATMIS, ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka.

Wafdiga ayaa saddexda maalmood ee soo socota, wada-hadallo la yeelan doona mas’uuliyiinta ATMIS, UNSOS, safiirrada wadamada ay ciidamadooda ka midka yihiin ATMIS, iyo wakiillada bulshada rayidka ah.

Imaatinkooda ayaa kusoo beegmay xilli howlgalka ATMIS uu soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee dhimista ciidankooda ku sugan saldhigyada furimaha, iyagoo todobo saldhig oo ay ka howlgalayeen labo kun oo askari ku wareejiyay ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa muddo 6 bil ah dib u dhigay bixitaanka labo kun oo askari oo katirsan ciidanka ATMIS, si loo hubiyo joogtaynta horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Maalmo ka dib go’aanka golaha ammaanka, kooxda Alshabaab ayaa bilaabay inay weeraraan xarumaha ay ka baxeen ciidamada ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response