Golaha Wasiirrada XFS oo kulankooda caadiga ah ku ansixiyay Xeer Nidaamiyaha habraaca hagaha Iibka

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 102 views

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka gollaha wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya, oo lagu ansixiyay Xeerka Nidaamiyaha habraaca Iibka degdeg ah.

Inta uu socdalay kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka, howlgalka wadajirka ee Al-shabaab looga ciribtirayo dalka, iyo waqtiga dib loo bilaabi doono wajiga labaada ee howlgalka loogu magac daray Libaaxa Madow.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay sida ay Xukuumadda Dan-qaran uga go,an tahay la dagaalanka Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, loogana hortagayo dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay  Ra’iisul wasaaraha, in Dowladda ay ku guuleystay in awoodii Ciidan, midii dhaqaale iyo midii fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee howlgalkii ay sameysay Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deynta Cafinta iyo Canshuur dhaafka, wax soo saarka Dalka (GDP) 2022, iyo hannaanka Deeqaha  Caalamiga ah ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response