Sarkaal katirsan AFRICOM oo beeniyay inay askar kaga dhinteen qarax lagu eegtay duleedka Kismaayo

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 84 views

ooxda Alshabaab ayaa qarax miino la beegsatay  kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo subaxnimadii Khamiista maanta ah.

Sarkaal katirsan ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo lagu magacaabo Kelly Cahalan, ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu soo gaaray qaraxa lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo

“Waxaa jira warar sheegaya inay jiraan dhaawacyo ciidamada Mareykanka. Wararkaasi sax maaha,” ayuu ku yidhi qoraal uu la wadaagay warbaahinta.

Alshabaab ayaa sheegay in weeraran oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeeysa birta dheer iyo Harboole, uu ahaa weerar lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo oo ka amba baxay magaalada Kismaayo.

Alshabaab waxay sheegeen in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay rumeysan yihiin inuu gaaray ciidamada huwanta ah ee weerarka ay la eegteen, walow uu Maraykanku sheegashadaas beeniyay.

Like it? Share it!

Leave A Response