Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo shaaciyay magacyada 18 masuul oo loo haysto musuq maasuq{AKHRISO}

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 81 views

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa shaaciyay liiska shaqsiyaad mas’uuliyiin ah oo Dowladda Soomaaliya katirsan, kuwaasi oo loo haysto inay ku kaceen dambiyo musuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay liiska uu shaaciyay inay isugu jiraan kuwa u xiran eedeymaha musuq maasuqa iyo kuwa dalka dibaddiisa ku maqan oo uu sheegay inay ka baxsadeen caddaaladda.

Xeer ilaaliyaha wuxuu ka codsaday maxkamadda inay soo muddayso maxkamadaynta iyo dhegaysiga dacwadda loo haysto eedeysanayaasha dhammaantood. Sidoo kale xeer ilaaliyhu wuxuu sheegay inuu gacanta ku hayo baarista galal kale oo la xiriira musuq maasuq iyo xatooyo dadweyne

Wuxuu sheegay in loo haysto dambiyo ay kamid yihiin, lunsasho hanti, dukumentiyo been abuur ah, lunsasho iyo xatooyo hanti dadweyne, ka faa’idaysiga xafiis dowladeed, dayacaad iyo gudasho la’aanta waajibaadka saarnaa.

9 kamid ah eedeysanayaasha ayaa xiran, halka 9 kalena ay dalka ka maqan yihiin.

Magacyada eedeysanayaasha xiran.

Agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya.

1: Cabdullaahi Maxamed Cali– muddo xileedkiisa 6 August 2020

Agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada

2: Maxamed Cadde Muqtaar Cabdiraxmaan muddo xileedkiisa June 2015- July 2019.

Agaasimihii waaxda ajaanibta eehay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka.

3: Cabdullaahi Maxamed Cosoble

Agaasime ku xigeenka waaxda ajaanibta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka.

4: Cumar Macalin Cali (Cumar Katiin)

Madaxa hubinta fiiso kordhinta ajaanibta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka.

5: Saabir Xasan Cabdi nuur

Maamulka waaxda fiiso kordhinta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka.

6: Aadan Maxamed Cabdi

Agaasimaha canshuuraha berriga ee garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda.

7: Abuubakar Maxamed Cali

Qasnajiga qeybta dakhliga ajaanibta ee bangiga dhexe ee dowladda federalka Soomaaliya

8: Cabdiqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon

Maamulaha bangiga dhexe ee laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde

9: Maxamed Aadan Cabdullaahi.

Eedeysanayaasha maqan.

Madax qeybeedka ruqsad siinta ajaanibta ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada

1: Cabdiraxmaan Cabdi kariim Ibaarhim

Qasniga qeybta dakhliga ajaanibta ee laanta Aadan Cadde ee bangiga dhexe Soomaaliya.

2: Cabdullaahi Daahir wehliye.

Shaqaale katirsan waaxda ruqsad siinta ajaanibta ee wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

3: Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim

Agaasimaha canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

4: Agaasime Muxidiin Xasan Saabeey

Madaxa qeybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

5: Maxamed Idiris Axmed

Agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda fedearalka Soomaaliya.

6: Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka

7: Cabdulqadir Cilmi Cali

Agaasimihii hore ee waaxda ajaanibta ee socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka.

8: Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle

Madaxii hore ee xaqiijinta codsiga muddo kordhinta fiisaha ee waaxda ajaaniba ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka.

9: Abuubakar Xasan Aadan

Like it? Share it!

Leave A Response