Wararkii u dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Wednesday, Mar 27, 2019 | 1135 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka BAAR Al Nasri oo ku yaala xaafada Laba dhagax ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa iyo noociisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay goobta oo lala damacsanaa gaadiidka ciidamada oo goobta marayay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in goobta uu ku qarxay Gaari noociisu ahaa FEILDER kaasi oo yaalay xarun caafimaad oo ku dhow maqaayadda Al Nasri.

Dad badan oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada amaanka ay goobta baaritaano ka bilaabeen

Like it? Share it!

Leave A Response