Ujeedka dagaalka Kenya waddo ee ka-dhanka-ah Isgaarsiinta Soomaaliya

by admin | Thursday, Mar 28, 2019 | 1096 views

Kenya waxay dagaal qorsheysan oo laba weji ah kula jirtaa Soomaalida. Mid waa dagaalka duqeymaha u badan oo ay la beegsato al-Shabaab kaas oo ay ku naf waayaan dad iyo duunyo aan waxba galabsan oo reer guuraa u badan; iyo mid ay kusoo qaatay war isgaarsiinta Soomaaliyeed.

Xad beenaadka dalku la wadaago Kenya ee dhererkiisu gaarayo 700 oo km, waxaa magaalooyinka ku teedsan iyo kuwa la ologa ah ay hadda go’doon uga jiri karaan dunida inteeda kale. Waayo adeeggii isgaarsiineed oo ay kula socon jireen dalka intiisa kale iyo caalamka ayaa bartilmaameed u ah ciidamada Kenya.

Waxaana dadkan ku nool xadka ee muddo badan ku naaloon jiray maahmaahdii ahayd; ‘magaalo xeeb baa laga degaa ama xuduud,’ ay is weydiinayaan haddii degitaanka bar-xuduudeed kala qeybsiga labada dal ay sidaan oo kale u tahay mid halisteeda leh.

Kenya waxay duqeymo iyo burburin toos ah ku wadaa laamaha Shirkadda Hormuud ee goballada Jubbooyinka iyo Gedo. Waana dhawaaq ay waaya’arag kusii noqonayaan shacabka Soomaaliyeed. Balse sababta keeneysa burburintaas ayaa ku sugan jawaab la’aan.

Taniyo markii ciidamada KDF ay kasoo tallaabeen xadka – si ay u qabsadaan magaalo xeebeedka Kismaayo, Kenya waxay Jubbaland ka geysatay gaboodfallo kala duwan oo isugu jira duqeyn lagu garaaco duunyo iyo dad rayid ah, duminta ceelal biyood ay dhaansadaan xoola-dhaqatada, xaalufka ugaarta ku sugan howdka labada Jubba iyo ka-ganacsiga dhuxusha oo la tilmaamay inay lacag adag kasoo gasho.

Hadda way iskala timid ficillada u muuqda fadeexadda oo ay geysanayaan ciidamadeeda. Waxayna si toos ah dagaal ugu soo qaaday burburinta isgaarsiinta dalka. Marka la isku geeyo tirade jeer oo ay burburiyeen xarumaha shirkadda Horumuud ee Jubbaland iyo hanti adag ee ku baxday dib-u-taagistooda, waxay ku filan tahay in si diblomaasiyad leh looga hortago.

Sabab jirta oo ayidi kara burburinta xarumaha Shirkadda oo lagu qancin karo shacabka ku dhaqan gobalkaas majirto. Haddii ay jiri kartana kama dhigna in raasamaal dhan oo umadda Soomaaliyeed uga wada dhaxeeya micno walba si fudud loo burburiyo.

In kasta oo shirkadda aan laga helin heerka adduun lacageed ee ku baxay dagaalka burburinta ah ee Kenya kusoo qaaday xarumaheeda isgaarsiinta, haddana waxa ku dhici kara shacbiga laga jaro xiriirka ay la leeyihiin bulshada inteeda kale ayaa ah mid looga fadhiyo in si mas’uuliyadaysan ay kaga jawaabto Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Marka laga hadlayo dagaalka ay Kenya kula jirto al-Shabaab – gudaha dhulkeeda iyo dalkeenna – burburinta loo geysto xarumaha shirkadda Hormuud maxaa marwalba ka dhigay bartilmaameed la mid xero ay ku tababbartaan al-Shabaab oo u baahan in dhulka lala simo? Maxaa Hormuud ka dhigay mid target ah hal dhinac oo kaliya oo aan dhinaca kale uusan ku colaadineyn?

Su’aashaas waxaa laga yaabo in looga jawaabo sida caamka ah mid la xiriiri karta gulufka iyo loolanka Kenya iyo al-Shabaab ka dhex jira. Halkaasna ay dad badan si qiiro leh ugu qiil dayaan in Kenya ay micno walba ku sugi karto amnigeeda iyo howlgalkeeda nabad ilaalinta ee Jubbaland.

Balse, marka la fiiriyo kobaca isgaarsiinta dalka iyo kaalinta Hormuud ku leedahay horumarinta tiknoolojiyadda isgaarsiinta, Kenya waxay si dadban uga soo horjeedaa in awoodda Shirkaddu aanay soo gaarin gudaheeda. Si kale marka loo dhigo, inta badan magaalooyinka ku teedsan xuduudda, waxaa qadka awoodda coverage-ka ku xoog badan Hormuud marka lala barbardhigo Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee Kenya ka dhisan.

Taasi waxay keentay in isticmaalka adeegga Hormuud ee xuduudda uu aad ugu baaho gudaheeda. Loolan muuqda oo dhinaca macmiisha ahna uu ka dhasho kala xulashada labada shirkadood – iyada oo laga fiirinayo fogaanta iyo awoodda dhaweynta hadalka.

Xittaa ciidamada Administrative Police AP-da ee ku sugan magaalooyinka Ceelwaaq, Mandera iyo Liboi, waxay adeegsadaan Hormuud mararka qaar si danahooda shaqsiga ah iyo tan dowladda ay u hayaanba ugu isticmaalaan.

Si kastaba, waxaan aniga ahaan ku talin lahaa inan la iskaga dhex bixin Shirkadda iyo Kenya ee Jubbaland iyo dowladda dhexe ay hubiyaan in damaanad loo yeelo adeegga Hormuud ee gobolladaas; haddii aan goor hore jawaab laga bixin, burburin walba oo ku dhacda xarumaha Hormuud waxay ka dhigan tahay asset ama raasumaal Soomaali oo dhan ka wada dhaxeeya oo dad iyo dowladba ay ku tiirsan yihiin, haddana aan dadaal loogu bixin sidii wadajir loogu ilaashan lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response