Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare oo la shaaciyey

by admin | Thursday, Mar 28, 2019 | 880 views

Guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii 16 aad ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ee Magalalada Muqdisho, iyaga oo ku dhawaaqay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeenka,waxaana xusid mudan in Xildhibaanada Aqalka sare ay fasax ku jireen in ka badan laba bilood.

Hab-dhowraha Aqalka Sare Mudane Cabdi Kaafi Maclim Xasan ayaa kulanka kadib sheegay in kal-fadhiga 5aad ee Aqalka sare uu furmi doono 1-da Bisha April e sanadkan 2019.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka kal-fadhigooda 5aad ayaa Munaasabad lagu furayay waxaa  shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyada oo uu furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxana weli wax wadashaqeyn ah laheyn Xildhibaanada labada Aqal.

Like it? Share it!

Leave A Response