Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose

by admin | Thursday, Mar 28, 2019 | 814 views

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Ciidamo katirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Jubbada Hoose, dagaal xooggan ayaa la

Wararka ayaa sheegaya in Shabaab ay u suuragashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaankii dagaalku ka dhacay.

Inta uu socday dagaalka waxaa jiray khasaare ka dhashay,waxaama lasoo sheegayaa in laba askari oo ka tirsan Maamulka Jubaland ay ku geeriyoodeen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Lama soo sheegin khasaare soo gaaray shacabkii daganaa degaanka lagu dagaalamay, inkastoo sidoo kale aan lasoo warin iyana haddii uu jiro khasaare soo garaay Shabaab.

Deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Jubbada Hoose, uu dagaalku ka dhacay ayaa degan saakay,Al-Shabaab ayaana dib isaga laabtay, waxaana goobta markale dib u maamulaya Ciidamada Maamulka  Jubaland.

sheegay in uu halkaas ku dhaxmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response