wararkii ugu dambeeyay Maleeshiyo Beeleedyo Gubay Degaanka Eji ee gobolka Sh/Dhexe

by admin | Tuesday, Mar 26, 2024 | 43 views

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in  kooxo Maleeshiyo Beeleed ah ay  gubeen Tuulada EJi oo ka kid ah degaanada hoostaga degmada mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyo Beeleed ka timid degaano ka tirsan gobolka Hiiraan Tuuladaasi ay dab qabadsiiyeen dhammaan Guryihii ku yaallay Tuuladaas ay gubteen .

Maxamuud Geedi saneey oo ah Gudoomiyaha Tuulada Eji ee la gubay oo u warramay warbaahinta  ayaa sheegay   dhammaan Hantidii taalay Tuulada ay gubatay wax ka badbaadina aysan jirin ,iyadoo dadkii deganaa tuuladaas ay u barakeceen degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe iyo degaannada kale ee gobolkaasi.

Hase’ahaatee ‘ Degaanka Eji ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa maal mihii la soo dhaafay waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysay  dadka degan degaankaas iyo maleeshiyo beeleedyo ka yimid  dehaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kaas oo sababay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response