Weerar lagu dilay Guddoomiye degmo oo ka dhacay Puntland

by admin | Thursday, Aug 19, 2021 | 238 views

Rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa xalay weeraray degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari, halkaas oo dhawaan isaga baxeen Ciidamada Puntland.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ka tirsan Kooxda Daacish ay weerarkaas ku ku dileen Guddoomiyihii degmadaas Maxamed Axmed Muumin, kaas oo ku sugnaa degmada.

Qaar kamid ah Dadka ku nool degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay Waebaahinta u sheegeen inay Kooxda Daacish galeen Gudaha degmada, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaal kooban uu gudaha degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ku dhexmaray Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha la dilay.

Hay’adaha Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkaas iyo dilka Guddoomiyaha, balse waxaa la filayaa im Puntland ay Ciidamo u direyso degmada Balli-dhidin si loo xaqiijiyo Amniga degmada.

Like it? Share it!

Leave A Response