Dib u dhac ku yimid Shirka Golaha wadatashiga Qaran

by admin | Thursday, Aug 19, 2021 | 241 views

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Bamaasir, hayeeshee uu shirka dib u dhacay.

15-kii Bishaan ayaa Shir ay Khadka Internetka ee (Zoomka) ku yeesheen ayaa lagu go’aamiyay in shirka uu qabsoomo Khamiista Maanta ah, balse uu dib ugu dhacay sababo la xiriira Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka Masar ku maqan & Madaxda dowlad Goboleedyada oo aan weli imaan Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maalmaha soo socda qabsoomaya ayaa diirada lagu saarayaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada qaar ay dalbadeen in hal Magaalo lagu soo koobo doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka sababo la xiriira culeyso badan oo dhanka Amniga iyo dhaqaalaha ah oo jira, waxaana la filayaa in shirka lagu soo hadal qaado.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo dib u dhacay, waxaana weli si rasmi ah u hirgelin jadwalo doorasho oo dhowr jeer la soo saaray, iyada oo Guddiga hirgelinta doorashooyinka ay isku khilaafeen habraaca doorashoohinka Golaha Shacabka oo xubno ka tirsan Guddiga ay soo saareen.

Like it? Share it!

Leave A Response