Xildhibaano iyo saraakiil dacwado lagu soo oogay iyo baaritaanka dagaalkii Wanlaweyn oo la shaaciyey{AKHRISO}

by admin | Monday, Apr 13, 2020 | 470 views

 War-saxaafadeed kasoo baxay guddigii uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xalinta dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu faahfaahiyey sidii ay wax u dhaceen iyo waxa u qabsoomay.

Guddigan ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in colaadaas ay hurinteeda ay ku lug lahaayeen mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka kala tirsan barlamaanada maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo maxakamadda ciidamada ay dacwado kusoo oogtay.

Sidoo kale, guddigan ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in maamulka ka jiray degmada Wanlawayn uu ka qayb qaatay colaadii ka dhacday halkaas, isla markaana uusan gudan mas’uuliyadii maamul ee degmada ka saarneyd.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Muqdisho loo soo kaxeeyay guddoomiyihii degmada Wanlawayn ee shaqada laga joojiyay Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, isla markaana ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed baaris dhamaystiran ku sameeyaan dowrkii uu ku lahaa gabood falladii ka dhacay degmada Wanlawayn, iyagoo natiijada kasoo baxda loo gudbin doono Maxkamadda Awooda u leh, sida lagu yiri warkan.

“Guddiggu iyagoo u kuur galay cabashooyinkii odayaasha, isla markaana baaris ku sameeyay dhibaatooyinkii dhacay, diiwaangaliyayna dilalkii iyo gabood faladii ka dhacay degmada W/wayn, waxaana ka qoray dhibanayaashii dhibtu soo gaartay, waxaa usoo if baxay. In tirada guud ee ku geeriyoodatay dagaalkii sokeeye ay ahayd 24ruux, kuwaas oo 9-ka mid ah ay ku geeriyoodeen dagaal safayn ah, halka 15qofood loo dilay qaab aargoorsi ah, islamarkaana si naxariis daro oo anshax xumo ah loo dilay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in gudaha degmada Wanllawayn ay ka dhaceen dembiyo isugu jiro dhac, barakicin iyo kufsi. Ayna jireen Isbaarooyin yaalay gudaha degmada Wanllawayn oo ay dhigteen maleeshiyaadka beelaha ay colaadu dhexmartay.

Like it? Share it!

Leave A Response