Xoghayaha guud ee Q.M oo ku baaqay in xal loo helo Qaxootiga

by admin | Wednesday, Dec 18, 2019 | 955 views

Xoghayaha guud ee Q.M , Antonio Guterres ayaa  khudbad ka jeediyay Shir caalami ah oo arrimaha qaxootiga looga hadlayo oo Magaalada Geneva ka socda.

Shirkaan ayaa  looga hadlaya sidii xal waara loogu heli laha a malaayiin qof oo colaaduhu barakaciyeen.

Xogahayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Gutterres oo furay shirka looga hadlayo arrimaha qoxootiga oo ka furmay Geneva ayaa ku baaqay in shirka ahmiyadda lagu saaro sidi xal waara looga heli lahaa tobannaanka malyan ee qoxootiga ah oo ay soo barakiciyeen colaadaha oo ay cadaadiska noolaleed soo fod saartay.

Waxaa uu xusay  iney muhiim tahay in la xaqiijiyo xuquuqaha ay dadka qaxootiga leeyihiin, iyada oo la jooga xilli qaxootiga xuduudaha laga xirto, magangalyo siyaasadeedna loo diido caruurta iyo waaliddiintoodana lakala geeyo.

Ergada kulanka Geneva ka soo qayb gashay wuxuu ugu baaqay iney gacan ka geystaan arrimaha bani aadanimada.

Wuxuuna si weyn u ammaanay waddamada saboolka ah ee Marti geliyey tirade ugu baqadan qoxootiga caalamka, beesha caalamkana looga baahan yahay kaalinta kaga aaddan mas’uuliyaddaasi iney ka soo baxdo.

Tan iyo sannadkii 2014, waxaa Dhadhaab ka socday dib u celinta qaxootiga, Tirada dib loo celiyay waxay gaareysaa 80,901 oo qof, Sannadkan oo keli ahna waxaa dib loo celiyay 1,865.

Like it? Share it!

Leave A Response