Xogta maxkamadeynta Jeneraal Sheegow Axmed Cali

by admin | Thursday, Oct 26, 2023 | 114 views

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Generaal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, kaas oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Wararka ayaa sheegaya in maanta maxkamaddu ay guda geli doonto dhageysiga dacwadda loo haysto sarkaalkan oo dhowr bilood u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ninkan maxkamadda lala geyn doono qaar kamid ah ilaaladiisa oo lagu soo qabtay dagaal 19-kii August ee sanadkan ay la galeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Eeedaha uu wajahayo sarkaalkan ayaa waxaa kamid ah inuu ka dhaga adeegay amar ay siisay dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu soo dhiibo ciidamo ka tirsan kuwiisa oo lagu eedeeyay inay dhac baasan ka gaysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa eedaha kamid ah dagaalkii uu ninkan la galay ciidamada amniga, maadaama uu qaatay ku dhawaad 5 saacadood, uuna gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Maxkamadeynta ninkan ayaa si aad ah isha loogu hayaa, ayada oo laga war dhowrayo go’aanka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Arrinta sarkaalkan ayaa dhalisay hadal xoogan iyo caro keentay inay dibadbaxyo dhigaan beesha uu kasoo jeedo, inkastoo markii dambe ay xaaladdu degtay.

Sheegow ayaa tan iyo 2014-kii markaas oo uu kasoo baxay Al-Shabaab kasoo mid ahaa ciidamada dowladda, wuxuuna ka qayb qaatay dagaallo ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response