YouTube oo go’aan cusub kasoo saartay DISLIKE-ta la saaro muuqaallada + Sababta

by admin | Thursday, Nov 11, 2021 | 307 views

YouTube ayaa Arbacadii ku dhowaaqday in tirada “dislike” ee la saaro muuqaallada aysan hadda kadib arki doonin dadweynaha, si dadka muuqaallada sameeya looga ilaaliyo dhibaateynta iyo weerarada beegsiga ah.

Tirada like ama dislike ee la saaro waxyaabaha lasoo dhigo baraha bulshada ayaa dadka dhaliila waxay sheegaan inay dhaawac ku yihiin bad qabka dadweynaha.

Dadka adeegsada YouTube, oo ay leedahay shirkadda Google, ayaa weli awoodi doona inay dislike saaraan muuqaallada, balse waxaa laga qarin doonaa tirada guud ee inta dislike ee la saaray muuqaalka. 

“Si loo xaqiijiyo in YouTube ay sare u qaado fal-celinta u dhaxyesa muuqaal sameeyayaasha iyo daawadayaasha, waxaan tijaabo ku sameynay badhanka dislike, si aan u eegno haddii isbeddelkan uu caawin karo muuqaal sameeyayaasha, kana ilaalin karo dhibaateynta, oo uu yareyn karo weerarada dislike,” ayey YouTube ku tiri bayaan ay soo saartay.  

“Tijaabadeena waxaa kasoo baxay inuu yaraaday dhaqankii weerarada dislike.” 

Dadka muuqaallada sameeya – sida xidigaha baraha bulshada – ayaa weli awoodi doona inay arkaan tirada like ama dislike ay muuqaalkooda la saaray, si ka duwan shacabka kale.

YouTube waxay sheegtay in tiro muqaal sameeyayaal ah oo kooban ay ku warrameen in lagu beegsado weeraro ujeedkoodu ahaa in dislike badan lagu dilo muuqaalladooda.

Nidaamka YouTube ayaa ah in muuqaallada hela like badan la tuso dad badan, halka kuwa ay ku badan tahay dislike aan sidaas loo sii baahin.

Isbedelka ay sameysay YouTube ayaa imanaya ayada oo shabakadaha baraha bulshada iyo kuwa muuqaallada ay cambaareyn xoogan kala kulmayaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka iyo Yurub, oo ah inaysan wax badan ka qaban inay la dagaalamaan tacaddiyada online-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response