by admin | Friday, Sep 1, 2023 | 98 views

Ugu yaraan 300 oo macalimiin Kenyan ah ayaa sameeyay dibadbax ay kaga soo horjeedaan ku laabashada degmooyinka Mandheera, Gaarisa, iyo Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Macallimiintaan ayaa waxay isugu tageen xarunta guddiga adeegga macalimiinta ee Nairobi (TSC). Macallimiintu waxay muujiyeen in aysan ku qanacsanayn xaaladaha shaqada, iyagoo sabab uga dhigaya cabsida joogtada ah ee weerarada kaga imaanaya kooxda Alshabaab.

Nathaniel Kiplagat, oo ah wakiilka macalimiinta ayaa yiri. “Waxaa na soo maray cagajugleyn badan. Qaar naga mid ah aad bay u naxayaan markaan hadlayno. Ma awoodno inaan  fulino waajibaadkeena macalimiin ahaan xaaladahan oo kale. Kuma laaban karno Mandheera.”

Macalimiinta ismaamulada Mandera, Wajeer, iyo Garissa ayaa isugu soo baxay wadooyinka kadib weeraradii bilihii la soo dhaafay ka dhacayay goboladaas. Waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin iyo cabsida ay ka qabaan ammaanka sii xumaanaya, gaar ahaan dhanka Al-Shabaab.

Jafan Kitui, oo ah macalinka wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Al Huda ee ku yaala bariga Mandera, ayaa iftiimiyay dhibaatada amni darro ee soo gaartay noloshooda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in si degdeg ah loogu baahan yahay in madaxweyne Ruto iyo wasiirka arrimaha gudaha Kindiki ay mudnaanta siiyaan ammaanka degmada Mandheera.

Bishii Jannaayo 2023, in ka badan 14,000 oo macalimiin ah ayaa loo wareejiyay gobollo kala duwan ee Kenya, waxayna ujeedadeedu ahayd in la isku dheellitiro heerarka shaqaalaynta iyo wanaajinta ilaha waxbarasho ee dalkaas oo dhan.

Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa la daalaa dhacaya walaacyo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid weerarrada Alshabaab, kuwaas oo walaac amni ku abuuray macallimiinta gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response