Hay’adda ICRC oo booqatay boqolaal kamid ah maxaabiista ciidanka Somaliland oo ku xiran Laascaanood

by admin | Friday, Sep 1, 2023 | 101 views

Hay’adda caalamiga ah ee ICRC ayaa waxay shaacisay inay booqatay maxaabiista labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, ee Somaliland iyo SSC- Khaatumo, kuwaas oo ku kala xiran magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in ujeedada booqashadeeda ay ahayd, mid bini’aadantinimo, iyo inay hubiyaan in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bini’aadantinimo iyo in qoysaskooda ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin.

“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo xiran uu heli karo cunto iyo biyo, waana in aysan marnaba la kulmin in si xun  loola dhaqmo,” ayuu yiri Pascal Cuttat, madaxa wafdiga ICRC ee Soomaaliya.

Si loo wanaajiyo xaaladaha xabsiga, hay’adda ICRC waxay sheegtay inay gaarsiiyeen bustayaal iyo furaashyo loogu geeyay xabsiyada ay ku xiranyihiin ee magaalada Laascaanood.

Hay’adda ICRC oo kaashanaysa Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa sidoo kale fududaysay in afar maxbuus oo dhaawac ah loo soo wareejiyo Isbitaalka Qaran ee Garoowe, halkaas oo daweyn gaar ah loogu sameynayo.

Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa billowgii sanadkan billowday, kaasoo sababay in boqolaal kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda. Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ah halka ugu badan ee uu dagaalku ka socday, waxaana ka dhashay burbur baahsan oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Like it? Share it!

Leave A Response