Dagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Sanaag oo sababay dhimashada ugu yaraan 20 ruux & dhaawaca Dad intaas ka badan.

by admin | Friday, Sep 1, 2023 | 86 views

Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka Ceel Af-weyn waxaa ka dhacay dagaal beeleed dhexmaray labo Maleeshiyo hubeysan, dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 20 ruux oo isugu jira Dad rayid ah & dhinacyadii dagaalamay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka Ceel Af-weyn sida ay xaqiijiyeen Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiilada Somaliland, Mas’uuliyiin, madax dhaqameed iyo qaar kamid ah bulshada deegaanka oo arrintaas ka xog-warramay.

Si loo joojiyo xiisaddaas colaadeed waxaa ku baxay Wasiiro, Xildhibaanno & duubabka dhaqanka oo gaaray deegaanka ay isku horfadhiyaan labada Maleeshiyo Beeleed oo ugu horreyn waxa ay raadinayaan xabbad-joojin si loo kala dhexgalo labadaas maleeshiyo.

Colaaddaan oo dhowr jeer heshiis laga gaaray ayaa weli la garan waxa dib usoo cusbooneysiiyay iyo dhinaca jebiyay heshiiskii nabadda ahaa ee loo gartay in ay ku kala badbaadi karaan dhinacyada hubeysan iyo dadka kale ee aanay hubeysneen.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Somaliland oo goobta tagay ayaa lagu wargeliyay in ay kala dhexgalaan Maleeshiyaadka hubeysan ee dagaalkooda galaaftay nolosha ugu yaraan 20ka ruux iyo dhaawac soo gaaray 30 kale.

Like it? Share it!

Leave A Response