Qaramada Midoobay oo codsatay in Puntland lagusoo celiyo golaha wadatashiga qaran

by admin | Thursday, Oct 26, 2023 | 126 views

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Catriona Laing, ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya, in Puntland lagusoo celiyo madasha golaha wadatashiga qaran.

Catriona Laing, waxay sheegtay in lagu jiro marxalad xasaasi ah oo u baahan in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah oo doorashooyinku yihiin kuwa ugu horreeya.

“Waxaan ku jirnaa xilli xasaasi ah oo aan u baahannahay inaan si wadajir ah ugu heshiinno, iyadoo ay dowladdu hoggaaminayso habka loo marayo doorashooyinka, nooca doorasho ay Soomaaliya qaadan doonto, muddeynta, iyo qaabka doorashada. Dabcan, aad bay muhiim u tahay, in la isku dayo in Puntland dib loogu soo celiyo hannaankan, sababtoo ah aad bay u adkaan doontaa in la dhammaystiro hannaanka doorashada,” ayay tiri Ms. Laing.

Waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya uu sii socdo.

“Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdo. Soomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurkaas la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah,” ayay tiri Ergeyga Qaramada Midoobay.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegtay shir jaraa’id oo uu ku qabatay Muqdisho.

Hadalkeeda ayaa kusoo beegmay maalmo ka ka dib markii madaxweyne Xasan Sheikh uu sheegay in loo baahan yahay inuu dalku horey u socdo oo la meel mariyo heshiiska wax ka beddelka hannaanka doorashooyinka dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response