Maamulka Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha Amnig

by admin | Thursday, Oct 26, 2023 | 123 views

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen Xaalada Amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada, ayaa waxa uu Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Ganacsatada, asigoona la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Yabooh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Caasimadda, isaga oo Bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida Amniga iyagoo la shaqeynaya Maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka.

Amniga Caasimadda ayaa muddooyinkaan dambe ahaa mid soo hagayey ka dib markii ciidamada laga keenay dalka Uganda oo halkaas tababar ku soo qaatay lagu wareejiyey, iyada oo shacabka Muqdisho ay reesteen dhacii joogtada ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response