Madaxda Dowladda oo ka hadlay geerida RW hore ee Soomaaliya

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 439 views

Madaxda ugu sareeysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeysay geerida Maanta ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir faarax kaas oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Ra’siiul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay qoyska iyo asxaabta uu ka baxay Marxuum Xasan Asbhir,waxaana uu sheegay in uu kaalin muhiim ah ka qaaday dowladnimada Soomaaliya.

”Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.”

Siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeyay qaraabada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir faarax oo sidoo kale mar soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response